Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa Markab weyn oo nuuca dagaalka ah in uu u soo diray xeebaha Dalka Soomaaliya, waxaana ka soo baxaya faah faahino dheeraad ah u jeedada Markabka uu ugu soo diray Soomaaliya.
Taliska Mareykanka ee Qaaradda ee (AFRICOM) ayaa sheegay in Markabkaan oo Magaciisu yahay USS Hershel “Woody” Williams, isla markaana u shaqeeya sida Saldhig Millatari in uu soo gaarayo Xeebaha Soomaaliyab isaga oo billaabaya howlgal loogu magic daray OCTAVE QUARTZ oo ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya.
Magaca howlgalka OCTAVE QUARTZ waa howlgalka ciidamada Mareykanka looga saaray Soomaaliya, ayada oo lagu gaynayo goobo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, oo Jabuuti ay ka mid tahay.
Markabka USS Hershel “Woody” Williams ayaa la filayaa inuu xeebaha Soomaaliya kusoo gaaro laba toddobaad gudahood, ayada oo ciidamada Mareykanka ay qasab tahay inay ka wada baxaan Soomaaliya kahor 15-ka Janaayo 2021, sida uu amray Madaxweyne Donald Trump. Trump ayaa xilka ka degaya 20-ka Janaayo 2021.
Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.