WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo ku baaqay in Deg-deg ah loo qabto Doorashada Madaxweynaha Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, iyada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada Madaxweynaha.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.”

“Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada Madaxweynaha.”

Geba-gebada doorashada guddoonka baarlamanka ayaa waxaa sidoo kale bogaadiyey saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

“Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sidoo kale booriyey in doorashada Madaxweynaha hadda lagu soo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo.

Mareykanka oo ku baaqay in Deg-deg ah loo qabto Doorashada Madaxweynaha Somalia
To Top