Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.
“Waxaan boogaadineynaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee aheyd in Ra’isul Wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda Federalka ee ku aaddan dhameystirka heshiiska iyo kor kala socoshada hirgalinta howlaha doorashooyinka oo ay ku jirto diyaarinta amniga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.
“Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorshada, loona billaabo dhaqangalinta wadashaqeyn daahfuran. Mareykanku wuxuu diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka” ayaa lagu soo gabagabeeyay Bayaanka dowladda Mareykanka.
Wakiilka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka ee ka laabashadii muddo kordhinta iyo ku dhawaaqida Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in hadda aanay wax shuruud ah, qas iyo fowdo aanay dhicin, sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ku tiirsanaado taageerada wax ku oolka ah.