Gaalkacayo ( HM ) Wararka naga soo gaadhaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar ku qaadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.
Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee maamul goboleedka Puntland.
Sida aan xogta ku helnay ragga weerarka fuliyey ayaa doonayey inay xoog ku soo furataan nin lagu magacaabo, Cabdala Axmed Guuleed, kaas oo shalay lagu xidhay magaaladaasi.
Ninkaan ayaa waxaa dacwad ka soo gudbiyey wasiir ka tirsan maamulkaasi, kadib markii lagu eedeeyey inuu ku aflagaadeeyey Baraha Bulshada.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka geysatay ay muddu kooban la wareegtay xabsiga, iyagoo xiray dhaq dhaqaaqa, siday xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo ku sugan degmada Gaalkacyo.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, balse saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo ka hadlay xadhiga ninkaasi ayaa sheegay in aysan sii deyn doonin, illaa laga soo taagayo maxkamad.
Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona xiisad ka dhalatay weerarkaasi laga dareemayo waqooyiga magaaladaasi.