WARARKA SOOMAALI

Maleeshiyaad hubeysan oo Weerar culus ku qaaday Ciidanka DANAB

Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka iyo ciidamo deegaanka ee macwiisleydka loo yaqaano ayaa habeenimadii xalay aheyd ee ka dhacay degmada Ceel-baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka danbeeyay, kadib markii ciidanka DANAB oo ka baxay jowhar, kuna sii jeeday deegaano ka tirsan Hiiraan ay wadada u galeen ciidanka macwiisleyda, isla markaana waxaa durbadii Ceel-baraf ka bilowday dagaal culus.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray labada dhinac uu ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmi ah ee khasaaaraha jira.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Ceel-baraf Abuukar Axmed Cabdulle ayaa sheegay in ciidan hubeysan oo ku lebisnaa dareeska ciidanka xoogga oo watay gaari ay jidka u galeen ciidanka DANAB.

“Degmada Ceel-baraf waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan xalay maqribkii ciidan hubeysan oo ku labisan dareeska ciidanka oo wata gaadiid shacab oo gafuurada u duuban yihiin ayaa meesha waxa ay ka sameeyeen fowdo iyo qalqal-gelim amni” ayuu yiri Abuukar oo xusay in ciidanka hubeysan ay isku dayeen inay hubka ka furtaan dhalinyaro deegaanka ah oo ku jira Macawiisleyda, balse ay iska difaacee.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka xoogga oo ay uga hadlayaan dagaalkii xalay degmada Ceel-baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray ciidanka DANAB iyo kuwa hubeysnaa ee macwiisleyda ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan oo Weerar culus ku qaaday Ciidanka DANAB
To Top