Waxaa Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho maanta kasoo degay majaajiliiste Ibraahim Mustafa oo u dhashay Tanzania isla markaana ay si weyn u taqaano Soomaalida isticmaasha baraha bulshada.
Waxa uu caan ku yahay magaca Basadiir. Muuqalada uu Tanzania ku sameeyo waxaa sii tarjuma oo Soomaalida u soo bandhiga nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Farxaan Diraac.
Waa sababta ay Soomaali badan u barteen Ibraahim. Basadiir ayaa BBC-da horay u siiyay waraysigaan.
Dadweyne farabadan ayaa majaajiliiste Ibraahim Mustafa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa loo galbiyay halka loo diyaariyey inuu dego Basadiir.