WARARKA SOOMAALI

Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo la kulmay Guddiga Doorashada iyo Saraakiisha ATMIS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri Axad  ah ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana Magaalada ka socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada.

Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo la kulmay Guddiga Doorashada iyo Saraakiisha ATMIS
To Top