WARARKA SOOMAALI

Madaxweyneyaasha M/Goboleedyada oo kusoo wajahan Muqdisho & ujeedka

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa Maanta kusoo wajahan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga soo xigtay xubno aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Ujeedka Madaxweyneyaasha maamulada ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir uu isugu yeeray Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo qorsheysan.

Shirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda maamulada ayaa looga arrinsadan doonaa arrimo ay ka mid yihiin abaaraha, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo xallin lahaa tabasho ay qabaan qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shirkaan uu daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada qaarkood ayaa dhaliilsan hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dowladda Federaalka kadib markii uu latashi kala sameeyn waayey magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Xukuumaddiisa.

Madaxweyneyaasha M/Goboleedyada oo kusoo wajahan Muqdisho & ujeedka
To Top