WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Mareykanka oo Dad shacab Duqeyn lagu laayey

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa gelinkii dambe ee shalay oo jicmo aheyd duqeyn ka geysatay deegaanka Mubaarak ee hoostega degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeyntaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Duqeynta diyaaradeed ayaa lala beegsaday beel ku taalla deegaanka Mubaarak oo xilligaas shir uga socday dad u badnaa gaadiiley ka dhex shaqeysa Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeynta lala eegtay dadkii shacabka ahaa, waxaana ku dhacay dadkaas Gantaal ay kusoo riday diyaaradda, Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa goobta ku dhintay, halka 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalo ku yaalla Magaalada Casimadda ah ee Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan dhacdadaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Mareykanka oo Dad shacab Duqeyn lagu laayey
To Top