WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay Arrimo taageero & Iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Antony Blinken, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa marka hore Madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee dalka oo 15-kii bishaan May ka dhacday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, labada masuul ayaa ka wadahadlay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sida Soomaaliya looga taageerayo jidka ay u hayso dhinaca dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.

Ned Price oo sharraxaad ka bixinaya qodobada ay ka wadahadleen Xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price ayaa sheegay in xoghaye Blinken xusay in go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay Arrimo taageero & Iskaashi
To Top