WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ahla qaatay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ganacsatada ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uuna sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho
To Top