Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta uu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa xalay ilaa iyo shalay kulamo is daba-joog ah ka waday Magaalada Dhuusamareeb oo uu la qaadanayay xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo siyaasiyiin dooneysa inay noqdaan Senatoro.
Ilo-wareedyo ku dhow Qoorqoor ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wado qorshihii ugu dambeeyay ee uu kusoo gudbinayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ay ka sugayaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug.
Maalmo kahor ayey ahayd markii Guddiga doorashooyinka ay Madaxweye Qoorqoor ka dalbadeen inuu si deg deg ah u soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta, si loo qabo doorashada Aqalka Sare.
Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo kaliya ayaa qabtay doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana harsan oo laga sugayaa inay qabtaan maamulada Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug.