WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Qoorqoor oo saxiixay sharciyo saameynaya Doorashada Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, taasi oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah sharciga xibsiyada iyo Sharciga Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, sida uu ka sheegay Munaasabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Maamulka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in Maamulka Galmudug uu u tallaabsaday wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Qoorqoor oo saxiixay sharciyo saameynaya Doorashada Galmudug
To Top