Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amina J Maxamed ayaa Maanta oo Axad ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Amina J Maxamed iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Xarunta Madaxtooyada kulan gaar ah kulan qaadan doona ku-xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo la socda ee soo gaaray Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo iyo ku-xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadi doona arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed” ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi oo shaaciyay kulanka dhexmari doona Farmaajo iyo Marwo Amina.
Imaanshaha wafdiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo khilaafka xoogan uu ka dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo markii hore ka bilowday kiiska Ikraan Tahliil Faarax.