WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Lafta-gareen oo Iclaamiyey guluf ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo booqday degmada Baraawe ayaa shaaciyay in Gobolka Shabeellada hoose uu ka bilaabanayo duullaan ka dhan ah Al-shabaab.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada.” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay degmada Baraawe ayaa tilmaamay in gobollada Baay iyo Bakool uu ka socdo gulufka dagaal ee ku jihaysan Shabaab, waxaana uu Ciidamadda iyo Shacabka Gobolka Shabeellada Hoose ku amray in ay dhankooda dagaalka bilaabaan.

“Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan” ayuu sii raaciyay Lafta-gareen.

Degmooyin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa go’doomiyey dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona gacanta ku haaya degaano dhowr ah  oo ka tirsan Maamulkaas oo ay sanno badan ku sugan yihiin.

Madaxweyne Lafta-gareen oo Iclaamiyey guluf ka dhan ah Al-shabaab
To Top