ENGLISH NEWS

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo gaaray Maxaas & Howlgalo culus oo ka….

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ee Maxaas ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee Ciidanka dowladda iyo kuwa macwiisleyda  ka wadaan Hiiraan.

Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo kala ah Xildhibaan Sanbaloolshe, Xildhibaan Jacfar iyo saraakiil ciidaan ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ee gaaray Maxaaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalo ka bilaabi doonaan doonaan deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Maxaas, Ceelbuur, Moqokori illa Aadan-Yabaal ee Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacaayay dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab, dagaalada ayaana geystay khasaaro lixaad leh.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo gaaray Maxaas & Howlgalo culus oo ka….
To Top