WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Todobaadkan ku wajahan Dalka Qatar iyo Wafti balaadhan oo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii ugu ballaarnaa ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay booqasho rasmi ah ay ku tagaan magaalada Doxa ee dalka Qatar

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha ay ku jiraan illaa lix Wasiir iyo Ganacsato, kuwaasoo heshiisyo iskaashi la soo saxiixan doona Wasiirada dhiggooda ee Qatar.

Wararka ayaa sheegaya in booqashadan ay tahay mid rasmi ah, waana booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Qatar, kaddib markii uu sanadkii hore uu booqday.

Socdaalka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku beegan maalinta Talaadada ee soo socota, sida ay  xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow dhow Madaxtooyada.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya mashaariic horumarineed oo ku baxaya illaa labo boqol oo malyuun, kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye.

SOMALI NEWS

To Top