WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey in Muuse Biixi ogalaaday wada hadal-Video

Muqdisho (HM)– Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ogolaadey in dib loo bilaabo wadahadalada maamulkaas iyo dowladda Soomaaliya, sidda uu shaaciyey madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaacintaas ku sameeyay furitaanka kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka federaalka oo Sabtidii lagu daah-furay xaruntooda ku meelgaadhka ah ee ku dhextaala Villa Soomaaliya.

Balse ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka ay ku timid ogolaanshiyaha Biixi maadaama uusan si furan u sheegin.

Hase ahaatee, wuxuu hadalka Farmaajo kusoo hagaagayaa xilli ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho, James Swan, uu dhowaan u sheegay Golaha Ammaanka in uu labada dhinac u socdo wadahadal hoose.

Swan ayaa ka dhawaajiyey wada-xaajoodyaddaas ay horudhac u yihiin shirka mustaqbalka dhow dhexmari doona labada dhinac, wallow uusan shaacin waqtiga.

Intii uu khudbada dastuuriga ah uu jeedinayey, Farmaajo oo dowladiisa lagu dhaliilay in ay ku fashilantay in ay la heshiisyo maamulada ka aragtida duwan ayaa farxad ka muujiyey in Biixi aqbalay codsigiisa.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, waana soo dhaweynayaa hadalkii walaalkey madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi uu ku aqbalay in aan dib u bilowno wada-hadaladeenii. Waxkasta oo jirana aan ku dhameyno walaaltinimo, wadahadal iyo is-afgarad,” ayuu u sheegay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Marka laga soo tago sheegashadda xukuumadda Muqdisho, illaa iyo haatan ma jirto xaqiijin rasmi ah oo laga hayo dhanka Somaliland.

Wadahadalada ayaa hakad ku jira ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay. Somaliland waxay 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale, balse ma aysan helin aqoonsi kaga yimaada adduunyadda.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top