WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo maanta shacabka kala hadlaya meel fagaare ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galaya Munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 74 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa ubax dhigi doona Taalada SYL, halkaasoo ay xilligan ka socoto munaasabada lagu weyneynayo xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas aaskii Ururkii SYL.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa marka uu ubax dhigo ayaa tagi doono Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Conis, halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad uu uga hadlayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas aaskii SYL

Khudbada Madaxweyne u jeedin doono ayaa noqoneysa tii u horeysay oo meel fagaare ah kula hadlo, tan iyo markii xilka loo doortay horaantii bishii February ee sanadkan.

Waxaa khudbada Madaxweynaha u jeedinayo shacabka ay ku soo aadeysa, xilli maalmo ay ka harsan tahay boqolka maalmood ee uu Xafiiska joogo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta shaqaalaha dowladda fasaxay munaasabadda 15-ka May awgeed.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhafaay ku guda jirtay diyaar garowga, iyadoo dib u dayactir ku sameysay taalada SYL.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo isku xira degmooyin kala duwan.

SOMALI NEWS

To Top