WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furi doona shirkii maamulada iyo Dowladda Federaalka-Akhriso

Muqdisho (HM)-Waxaa saacadaha soo socda la filayaa inuu si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia uga furmo Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayo hannaanka doorashada Soomaaliya.


Shirkan ayaa waxa furi doona Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid leh furitaan rasmi ah ayaa Madaxda ay jeedin doonaan khudbado ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana si weyn diiradda lagu saari doonaa doorashada, xaalada amni ee dalka iyo arrimo si gaar ah uga dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Arrimaha shirka lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay ka soo baxday hannaan doorasho, inkastoo heshiiskaas ay qaadaceen Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb gelin shirkii Dhuusamareeb 3.

Si kastaba ha ahaatee shirka maanta furmi doona waxaa si dhow ula socon doona Wakiilada Beesha Caalamka oo dadaal ugu jira in Madaxda Soomaalida u gaadhi lahaayeen hannaan doorasho la isku raacsan yahay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top