WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka kusoo laabtay Kadib shirkii Madaxda Africa

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii madaxweynaha,wuxuuna sheegay in uu guul ku soo dhamaaday,wasiir Cawad ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay taageersantahay dib u habaynta lagu sameynayo Ururka Midowga Afrika iyo qorshayaasha ku aadan mideynta suuqyada xorta ah ee Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaliya kaq jeediayay shirkaasi,isagoo dhanka kale magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kulamo kala duwan kula yeeshey qaar kamid ah hoggaamiyaashii shirkaasi ka qeybgalay,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters oo uu kala hadlaya sidii QM ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya,iyadoo Mr Gutters uu ku ammaanay Dowladda Soomaaliya waxqabadkeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay inta uu ku sugnaa Magaalada Adis-ababa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo madax ka socotay Midowga Yurub

Shirmadaxeedkii 30-aad ee Midowga AFrika ayaa inta badan diiradda lagu saaray xoojinta la dagaalanka Musuqa,arggagixisada iyo dhibaatooyinka Tahriibka iyo qodobo kale.

SOMALI NEWS

To Top