WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Barnaamij Samafal ku badelay Xafladdii Dabaal dega Doorashadiisa,Cajiib-Sawiro

Iyada oo ay maanta ku beegantahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya waxyaabo badan oo samafal ah.

Dowlada ayaa joojisay in la qabto wax xaflad ah, iyada oo taas badalkeeda magaalada laga hirgeliyay goobo caafimaad oo lugu fulinayo adeeg bilaash ah, iyada oo ay ka howlgalayaan Dhaqaatiir iyo Kalkaalisooyin caafimaad oo ay ka faaiideysanayaan dadka danyarta ah oo subaxdii horaba u galay safaf dhaadheer.

Dhinaca kale waxaa la  gaadhsiiyay xarunta agoonta Afgooye ee loo yaqaan OORFANEA, Agabyo kala duwan oo u badan agabka jiifka iyo nuucyada kala duwan ee macmacaanka iyo qalab Sport.

Dhanka kale saacadaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in taakulo tan la mid ah la gaarsiiyo xarunta gabdhaha agoonta ah ee Boondheere, oo ah xarun ay ku jiraan in ka badan 450 gabdhood oo agoon ah iyada sidoo kalana ay halkaas ka howlgali doonaan 6 dhaqtar iyo 10 Kalkaaliso oo u fidin doona baariyaan iyo dawo bilaash ah.

SOMALI NEWS

To Top