WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Amray in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay shaqo joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana waxaa lagu eedeeyay inuu soo soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud.

Madaxweyne Farmaajo oo Amray in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Badda
To Top