WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabistii ugu badneyd sameeyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa xalay xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaal Degmo, Gobol iyo Saraakiil Ciidan, isagoo kuwo cusubna magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Taliyaha guud ee Ciidamada darawiishta Jubaland  loogu magacaabay S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane, halka Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland laga dhigay S/Guuto Cabdullaahi Cabdi Yuusuf iyo S/Guuto Xuseen Cabdi Xaashi oo loo magacaabay ku-xigeenka Booliska.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose u magacaabay Xasan Cabdi Guure, halka Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Jubadda Hoose loo magacaabay Muuse Maxamed Sheekh.

Gudoomiye ku-xigeenada Degmada Kismaayo ee Maamulka iyo Maaliyada, arimaha Dowlada Hoose iyo Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ayaa iyagun la magacaabay.

Ugu danbeyn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Maxamed Nuur Khadar u magacaabay Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Guddiga Qoxootiga iyo Barakacayaasha Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabistii ugu badneyd sameeyay
To Top