Muqdisho (HM)-Madaxtooyada dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho rasmi ah dhowaan ku imaanayo Magaalada Muqdisho.
Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay uga qeybgaleen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika.
Lama sheegin xilliga rasmiga ah uu imaan doono, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Museveni inuu Muqdisho yimaado oo uu soo arko horumarka dhinaca siyaasadda ee uu dalka ku tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.
Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in markii Madaxweyne Farmaajo lagula taliyay inuu sameysto Ciidan iskood u shaqeysta oo Soomaali ah, kuwaasoo ah maleeshiyaad gobolada dalka laga soo kala xulayo.
Waxaa sidoo kale qoraalka dowladda Uganda lagu sheegay in muddo ku siman laba sano gudahood lagu qarameen karo Ciidankaas, iyadoo lala kaashanayo Odayaasha qabaa’ilada ay ka soo jeedaan Ciidamada.
Ciidamada difaaca Uganda ee UPDF waxa ay hore u ahaayeen Maleeshiyaad Jabhad ah oo uu Museveni hoggaaminayay, Kuwaasoo markii uu talada Uganda AFganbiga ku qabsaday ka dhigtay Ciidan Qaran, iyadoo sanadkan 2019 Uganda laga xusay sanad guuradii 38-aad ee ka soo wareegatay markii Ciidankaas la Qarameeyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad shaqeysa.
Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howlgalka AMISOM, waa dalka ugu badan ee Ciidamo ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM.