WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somaliland oo shaaciyay in fursad Dahabi u tahay Go’aankii DFS…

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafdi ballaaran ee uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo  saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Cigaal kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Hargeysa.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay safarkii uu ku tegay Nairobi iyo heshiisyadii Somaliland la gashay Kenya, isagoo sheegay in heshiisyada ay ahaayeen kuwo muhiim ah, kuna saleysan dhinacyo dhowr ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya, waxaana uu sheegay in go’aankaas uu albab walba u furayo Soamliland, uuna u yahay fursad Dahabi ah.

SOMALI NEWS

To Top