WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiye cusub (Wareegto)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

2-Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiye cusub (Wareegto)
To Top