Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa uu la yeeshay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Madaxweyne Deni, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo War gal oo ku sugan Magaalada Garoowe.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa, in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.