Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa gebi ahaanba joojiyay qaabilaada illaa amar dambe, isagoo albaabka soo xirtay.
War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in la joojiyay qaabilaada siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha iyo cid kasta oo booqasho iyo howlo siyaasadeed ugu tagi jirtay.
Arrintan ayaa u muuqata mid Madaxweyne Saciid Deni uu ku xadidayo dhaq dhaqaaqa dadka doonaya inay soo booqdaan, maadaama laga sugayo inuu soo dhiso Gole Wasiiro, iyadoo maalmo ka hor uu Baarlamaanka weydiistay in 15 maalmood loogu daro waqtiga uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada.
Xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa waxaa hareeyay siyaasiyiin, odayaal iyo dad xil doon ah oo galaan-gal badan uga jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen Golaha Wasiirada uu soo dhisayo Madaxweyne Saciid Deni.