Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo Isniin ah Guddoomiye cusub u magacaabay Gudigga qoxootiga iyo Barakacayaasha.
Guddoomiyaha cusub ee Gudigga qoxootiga iyo Barakacayaasha ayaa loo magacaabay inuu noqdo Eng Cabdi Xuseen Maxamed, sida lagu shaaciyay Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe.
Eng Cabdi Xuseen Maxamed ayaa horey u soo noqday Wasiirka Warfaafinta Maamulka dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana Guddoomiyaha cusub ee Guddiga la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Sababta keentay magacaabista Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo in xal waara loo helo Arrimaha qoxootiga iyo Barakacayaasha ku sugan deegaanada Jubbaland.