WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo saaray Baaq ku socda Dowladda Federaalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.

Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay argagixisadu la bar tilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada,

Ugu dambeyn Guudlaawe ayaa Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo saaray Baaq ku socda Dowladda Federaalka
To Top