Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabaxay Jowhar ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca VIP-da Garoonka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u yimid Caasimadda dalka ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka
