WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Amar ku bixyey baarista Qaraxyadii Baladweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa aad u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, Masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in cadowga ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto, waa sida uu lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii ka dhacay Magaalada Baladweyne, waxa uuna alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan Qaraxyadiika dhacay Magaalada Baladweyne, gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Madaxyooyada.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Amar ku bixyey baarista Qaraxyadii Baladweyne
To Top