WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo socdaal qarsoodi ah ku jooga Magaaladda Garoowe-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar qarsoodi ah ku jooga magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, iyadoo socdaalkiisa uu ahaa mid aan laga war heyn.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Madaxtooyada Garowe, waxaana labada Madaxweyne ay yeesheen  wada hadalo ku saabsan khilaafka Galmudug iyo arrimo kale.

Wariyeyaasha Garowe ku sugan ayaa sheegaya in aanay waxba laga ogeyn waxa uu salka ku haayo safarka Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay aheyd arrin lama filaan ku noqotay safarka Xaaf, iyadoo aanay warbaahinta ogeyn.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay wadaan dadaal ay ku xalinayaan khilaafka, iyadoo uu dhowaan baaqday shir ay dowladda Soomaaliya ku dhex dhexaadin laheyd labada dhinac ee Galmudug, kaddib markii uu diiday Madaxweyne Xaaf inuu Muqdisho tago.

Xaaf ayaa dhowaan uga digay dowladda Federaalka in aysan faragelin arrimaha ka taagan Galmudug, isla markaana aysan dib u soo cusbooneyn wixii dhacay 8-bilood ka hor.

Dhinaca kale Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalinta berri oo Axad ah shir uga furmaya magaalada Baydhabo, shirka golaha amniga Qaranka ayaa la sheegay inuu gogol xaar u yahay shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dhamaadka bishan ka dhici doona Brussels.

SOMALI NEWS

To Top