Wararka Ka Imaanaya Caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in Madaxwaynaha Somalia Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo uu Dhawaan Booqan Doono Deegaano Katirsan Puntland Halkaasi oo Booqasho uga Bilaamin Doonto Madaxwayne Farmaajo.
Wafti Isagu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano Ka soo Jeeda Labada Gole ee Maamulkaasi Puntland Ayaana soo Gaadhay Deegaano Katirsan Puntland Gaar ahaan Caasimada Puntland ee Garowe oo Haatan Waftigaasi Ku sugan yihiin.
Caasimada Maamulka Puntland ee Garowe Waxaa Xiligan Laga Dareemayaa Diyaar Garow Loogu Jiro soo Dhawayta Madaxwaynaha Dawlada Somalia Maxamed Abdilaahi Farmaajo Waana Booqashadii Koowaad ee Madaxwayne Farmaajo Ku Tago Deegaanada Maamulkaasi Puntland.