WARARKA SOOMAALI

Madaxii Ahlusunna ee Galmudug oo Maanta gaaray Guriceel iyo xog la helay

Maanta magaalada Guriceel gaaray Sheekh Maxamed Shaakir, madaxii xukuumadii hore ee Galmudug, kaasoo deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb.

Sidoo kale warar hoose oo ay BBC-da heshay ayaa sheegaya in Macallin Maxamuud, hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna uu isna dhawaan ku wajahan yahay magaalada Gaalkacyo.

Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadan hogaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaali ay marayso meel xasaasi ah.

Ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa Federaalka ayaa dhawaan waday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan maamulkaas.

SOMALI NEWS

To Top