WARARKA SOOMAALI

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo u hambalyeeyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee  Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xalay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynahe Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa dhamaaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay  Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo u hambalyeeyay Xasan Sheekh
To Top