WARARKA SOOMAALI

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Somaliyeed oo shaqada laga joojiyey + sababta

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibbaan Hon. Jibril Abdirashid Haji, ayaa maanta shaqo ka joojin ku sameeyey Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiir Jibriil ayaa shaqada looga joojiyey Maareeye Cali Yaasin Gurbe, waxaana xilkii Maareeyaha Guud ee hay’addaas si ku meel gaar ah ugu sii shaqeyn doonta Maareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Xaawo Axmed Xasan.

Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa lagu sheegay in Maareeyaha guud ee hay’adda tayo dhowrka uu ku kacay falal ay ka mid yihiin musuqmaasuq, wada shaqeyn la’aan, ku takri fal awoodeed iyo arrimo kale.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Somaliyeed oo shaqada laga joojiyey + sababta
To Top