WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo shaaciyay inay qabteen Ajaanib ka tirsan kooxda Daacish

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa howlgal ay ka sameeyen aaga Camaamo oo udhow degmada Bali-dhidin ee gobolka Bari lagu soo qabtay rag ajaanib ah oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa qabtay laba nin oo u dhashay Dalalka Suudaan iyo Sayria, waxaana mid kamid ah raggaas magaciisa lagu sheegay Mohamed Ibraahim Daaha.

Hawlgalka ayaa kusoo aadaya xili Daacish ay kusoo kordhayaan Ajaaniib badan,Horaantii Jan 2023 ayay ahayd markii howlgalo ay fuliyeen ciidanka Booliska Puntland lagu dilay Madaxii hawlgalada Daacish Abu Albara Al amani oo udhashay gobolka Amara ee wadanka Itoobiya.

“Ciidanka Boliiska Puntland oo kaashanaya xuuraankiisa shacabka ayaa wada qorshe balaaran oo lagula dagaalamayo Daacish iyo Alshabaab” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Bari.

Dhowrkii sano ee la so dhaafay dowlad Goboleedka Puntland ayaa dagaal adag waxaa uu kula jiray Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, kuwaas oo badi ka dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee gobolka bari, iyaga oo weeraro ka geysta meelo kamid ah gobolkaas.

Maamulka Puntland oo shaaciyay inay qabteen Ajaanib ka tirsan kooxda Daacish
To Top