WARARKA SOOMAALI

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-shabaab  

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa bilowday dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Amniga Maamulkaas.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay ku jiraan u diyaar-garowgii u danbeeyay ee guluf ciidan oo lagu qaadayo Al-shabaab.

Wasiirka oo khudbad u jeedinayay ciidamo fara badan oo Koonfur Galbeed ku diyaarisay degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa ku dhawaaqay dagaalkaas.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin dhammaan Ciidamadii lagu xorayn lahaa dhulka Al-shabaab kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-shabaab  
To Top