WARARKA SOOMAALI

Maamulka Gobolka Hiiraan oo War kasoo saaray Doorasho lagu dhaceysa Baladweyne

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa laga dareemay khilaafka Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle, waxaana Guddiga ugu dambeyn ay shaaciyeen in Maanta oo Isniin ah la qabanayo doorashada Kursiga HOP#004.

Guddiga Doorashada ayaa diiwaangeliyay guddiga Xulista Ergada iyo murashaxiintii u tartamaysa  kursiga HOP#004, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone), waxaana ku tartamaya Afar Musharrax oo uu kujiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay in la joojiyay doorashada Maanta loo balansan yahay in lagu qabto Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Iyada oo laga Duulayo xaqiijinta amniga iyo Habsami u socod-ka Doorashadda Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobalka hiiraan waxuu hakiyey Doorashadii berito inta laga Xaqiijinayo xasiloonida iyo habsami u socodka Doorashada.

War kasoo baxay Guddooomiyaha Gobolka Hiiraan ahna Guddoomiyaha Guddiga amniga gobalka hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la tixgelinayo cabashooyinka ka imaanaya Beelaha kuraastooda dib loo dhigay oo laga dabamariyay jadwalkii doorashooyinka ee ahaa 15/3/2022 , iyaga oo ka cabanaya dib u dhigista lagu sameeyay kuraastooda.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan wuxuu sheegay inay heleen xog ku saabsan in la carqaladeeyn rabo doorashada u asteysan in Maanta la qabto uuna dalbanayo in doorashada la joojiyo.

 

Maamulka Gobolka Hiiraan oo War kasoo saaray Doorasho lagu dhaceysa Baladweyne
To Top