Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo u dhaxeeyay Hogaanka sare iyo Maamulada Degmooyinka kaasi oo looga hadlay Dardargelinta Bilicda Caasimada iyo Nadaafada.
Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay Arrimo ay kamid ahaayen Amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho iyo ka hortaga dhismooyinka sharci darrada ee laga dhisto hareeraha waddooyinka Magaalada.
Duqa Muqdisho ayaa inta uu socday Shirka kula dardaarmay Maamulada Degmooyinka in Shacabka Gobolka ay helaan Adeegyada ay u baahanyihiin iyadoo la dhowrayo Xuquuqdooda iyo Hantidooda.
Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoona laga wada hadlay Wadashaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya.