Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa Booqday sadax Qoys oo shalay Caruur ay ugu Geeriyootay Roobabkii ka Da’ay Magaaalada Muqdisho,
Guddoomiye Cumar Finish ayaa Qoysaskaasi gaarsiiyay deeq lacag ah, isla markaana uga tacsiyeeyay geerida Carruurtoodii oo ku naf-waayay daadad xoogan oo ka dhashay roobabkii ka da’ayay Muqdisho.
Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kormeeray qaar ka mid Wadooyinka Magaalada oo ay Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose Xamar ka wadaan Biyo dhaamin maadaama saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ay ka da’een roobab aad u xoogan.