WARARKA SOOMAALI

Maamulka Garoowe oo Tukaraq ku shirinaya xubno ka tirsan Madaxdhaqameedka Dhulbahante & Khaatumo nama matasho oo markale ay odhan doonaan xubnahaasi.

Ka dib abaartii baahsanayd, tacaluuskii iyo dhibaatadii shacabkan Khaatumo soo martay oo aysan jirin hal hogaamyiye dhaqameed oo kala qaybqaatay umaddan marka laga reebo Suldaanka Fiqishini oo asagu ka soo dhexbaxay kuwa Dhulbahante ee siyaasada ku foogan, hada waxa deegaanka Tukaraq oo Puntland u ah bar kantarool oo cashuurta Gobolka SOOL Puntland ka aruursato la isugu geynayaa xubno madaxdhaqameed ah oo xidhiidh la leh Garoowe. Waxana Tukaraq ay tahay deegaanka kaliya ee Sool ay Puntland ka maamusho, halkaasoo askar u joogtaa ay aruuriyaan cashuurta oo aan shilling lagaga celin deegaanka laga qaado.

Xubnahan oo horey ugu shirey tuulada Higlada ayaa ku sii durkaya dhanka Garowe  ayagoo soo saari doona Khaatumo nama matasho iyo ha la shiro tasoo in badan ay warbaahinta kaga celceliyeen, halka ay xal iyo tanaasulaad dadkooda ah raadin lahaayeen.

Dhibaato balaadhan ayaa haysata shacabkan dulman ee Khaatumo, ayadoo hadba ay dhinac u jiidayaan xubno maamulada hareeraha u shaqeenaya oo si weyn uga soo horjeeda madax banaani iyo talo ay gacantooda ku malaan.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top