WARARKA SOOMAALI

Maamulka Galmudug oo Qylo-dhaan Deg-deg ah u diray Dowladda Federaalka

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay abaar darteed ugu dhinteen gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyo farabadan  halkaasi kunooleyd, kuwaas oo dadkii lahaay ay u waayeen wax ay siiyaan.

Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya igo Maamulka Galmudug inay dadkaasi gurmad deg deg ah la soo gaaraan.

Maamulka Galmudug oo Qylo-dhaan Deg-deg ah u diray Dowladda Federaalka
To Top