Muqdisho (HM): Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo saaray War-murtiyeed Cusub oo ku aadan Shir ay yeelan doonaan.
War-murtiyeedka kasoo baxay Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Shir Deg deg ah ay ku yeelanayaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaasi oo dhici doona 9-ka Bishaan Luuliyo.
Qodobada looga hadli doono Shirkaas inta uu socdo ayaa waxaa kamid ah Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021 iyo sidii loo dhameyn lahaa Khilaafyada siyaasadeed ee jira.
Qoraalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in kulan dhinaca Mareegta Internet-ka, ay ku yeesheen Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoona Go’aanka soo saaray markii uu dhamaaday kulanka.
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka la soo saaray.

