WARARKA SOOMAALI

Puntland:-Deni oo Imaaraadka uga mahadceliyey deeq Caafimaad.

Diyaarad siday agabka caafimaad ayaa maanta ka degtay magaalada Boosaaso, waxaana la wareegay agabkaas Guddiga qaabilsan Ka hortagga Cudurka Coronavirus ee Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan uga mahadcelinaya Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay sida xilligan adduunka dagaal ugu jiro COVID-19 ayaa sheegay in loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, isla markaana ay aad uga mahadcelinayaan Dowladda Imaaraadka in agabkan soo gaarsiisay xilli aad loogu baahan yahay.

Imaaraadka ayaa saaka ka dejiyay magaalada Hargeysa Somaliland deeq caafimaad oo isugu jirtay qalabka looga hortago cudurka Coronavirus iyo agabka ay isticmaalaan shaqaalaha Daryeelka.

Waa deeqdii labaad oo caafimaad oo Imaaraadka soo gaarsiiyaan Maamulada Puntland iyo Somaliland oo xiriir dhow ay la leeyihiin.

SOMALI NEWS

To Top