Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa goordhaweyd lagu dhaariyey Munaasibad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Maamulka Somaliland.
Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay, waxaana ka mid ah Safiiro, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Munaasibadda waxaa aan joogin gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyo dhamaanba madaxdii Xisbigaas oo aan gabi ahaanba kasoo qayb galin Munaasibadda.Halka uu munaasibadda joogo Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid.
Maamulka Somaliland ayaa 1991-dii waxaa ay ku dhawaaqeen in ay ka go,een Soomaaliya inteeda kale,mudadii intaas ka danbeysay waxaa ay adduunka ka raadinayeen in loo aqoonsado dal ka madaxbanaan Soomaaliya balse ma aysan helin ilaa hadda wax aqoonsi ah.
HALKAN KA DAAWO VIDEO