Nin u dhashay dalka Senegal oo xirnaa dharka Haweenka ayaa la qabtay, xilli uu si xeelladaysan uu Imtixaanaadka uga galayey saaxiibtiisa.
Waxa uu Imtixaanka ku galayey magaceeda iyo Aqoonsigeeda, isagoo xiran Labiskeeda. Ninka iyo gabadha uu Imtixaanka ka galay labadaba waa la xiray, iyadoo maalinta Khamiista la soo maxkamadayn doono.
Ninkaasi oo Maalintii 3-aad Imtixaanka ka galayey saaxiibtiisa waxaa fahmay Macallimiinta Ilaaladda ka haysay Imtixaanaadka, kuwaasi oo Boliska la wadaagay Xogta Ninka iska dhigay gabar Ardayad ah.
Sawirkiisa ayaa waxa uu dhex wareegayey Baraha Bulshada, iyadoo laga dheehan karo isagoo wata cambuur Casaan ah iyo Shaal Madow ah.
Wararka waxay sheegayaan in wiilka iyo gabadha saaxiibtiisa ah ay Labaduba yihiinArday dhigta Jaamcadaha dalkaasi..