Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in arrinta Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi aan caqabad laga dhigin, xiligaan.
Lafta-gareen ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Garoonka Aadan Cadde uga socda Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, ayna qadka Internet-ka ee aalada ZOOM-ka uga qeyb galeen Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in marnaba aan heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka aan lagu soo darin in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu magacaabo Guddiga Doorashada ee Xidhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Madaxweyne Lafta-gareen Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada ugu baaqay in si toos ah loo fuliyo heshiiskii laga gaaray Doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loogu tala-galay oo aan dib u dhac u imaan.
“Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qoran yahay waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin cabdi xaashi baa looga dambeynayaa guddiga somaliland, wey cadahay heshiiska ku qoran tahay raysal wasaaraha soo magacaabayo waxaa fadhiyay shirka oo qeyb ka ahaa raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo somaliland ka soo jeeda, cabdi xaashi oday soomaaliyeed waaye, ayuu yiri Lafta-gareen.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in Cabdi Xaashi ay aheyd in loo dhiibo arrimaha Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, hayeeshee arrintaas aysan dhicin, isagoo dalbaday in aan caqabad laga dhigin xiligaan arrinta.